Social Icons

Thursday, October 3, 2013

Maxkamadda ICC oo amartay in la soo xiro weriye Kenyan ah

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee Hague ayaa amar in lagu soo xiro ah u jartay weriye Kenyan ah oo loo haysto in uu isku dayay in uu faragalin dacwad ka dhan ah madaxwayne ku xigeenka dalka William Ruto.
Madaxa dacwad soo oogayaasha maxkamadda ICC Fatou Bensouda ayaa sheegtay in ay jirto cadayn ay u hayaan in Walter Barasa uu isku dayay in uu laaluusho marqaatiyaasha si uu uga dhaadhiciyo in ay joojiyaan marqaati furka.
William Ruto ayaa saaray maxkamadda Hague oo loo haysto in uu kiciyay rabshadihii ka dambeeyay doorashooyinkii sanadkii 2007.
Madaxa dacwwad soo oogayaasha ayaa sheegtay in ay jiraan koox dad ah o isku dayay in ay majaxaabiyaan dacwadda ka dhanka ah Mr Ruto.
Mr Barasa ayaa u sheegay BBC in uu diyaar u yahay in uu cadeeyo in uusan dambi lahayn.

xafiiska wararka ee BOON CITY NEWS _(BCN)

No comments:

Post a Comment