Social Icons

Thursday, October 3, 2013

Dilal saaka iyo xalay ka kala dhacay Hargeysa

(BCN) Hargaisa :-----laba qof ayaa saaka iyo xalay lagu kala dilay xaafada Jidka Boqol iyo kontonka iyo badhtamaha Suuqa Hargeysa, kuwaas oo midkood dilkiisa loo aanaynayo dhalainyarada xaafadaas, halka ka saaka Suuqa lagu Dilayna la sheegay in Tooray la galiyay.
breaIllaa hada labada Dil ma jirto cid ay Booliisku u qabteen, waxana la sheegay in Gacan ku dhiiglayaashii baxsadeen, isla markaana goor danbe Booliisku baadi doonayaan.
Dilalka iyo Tuugada dadka baadhata ayaa Hargeysa ku soo badanaysa iyadoo habeen iyo Maalinba ay isa soo tarayaan kooxaha falalkaas fulinayaa.Booliiska Somaliland ayaa u muuqda kuwo gabay Hawshii ay hayeen, waxaanay dadweynuhu ku eedaynayaan iska daa waxay qabtaana xataa in aanay tahli karayn iyagoo ku hor taagan in ay kaa ridaan Tuugta ku baadhanaysa.Booliiska oo markooda horeba lagu canaanan jiray in ay Laaluush uun qaataan oo ay dadka ku baadhaan saldhigyada ayaa waxa xaalada uga sii daray markii ay soo baxday cabashadii darajadu taasoo aad moodo Booliisku in aanay markoodana horeba u diyaarsanayn mansabyada ay doonayeen maadaama aanay lahayn  Aqoon ciidan-nimo.
xafiiska wararka ee BCN

No comments:

Post a Comment