Social Icons

Sunday, September 22, 2013

War-Deg-Dega:Inaa lilaaah wa inaa ilayhi rajicun ,Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Dawlada Soomaaliya Oo Ka Soo Jeeday Somaliland Oo Dablay Hubaysani Caawa Muqdisho Ku Dileen.

Muqidisho-(BCN) Kooxo Hubeesan ayaa galabta Xaafada Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir waxa ay ku toogteen Xildhibaan katrirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacabaa Xuseen Cabdi Salaan waxa uuna kamid yahay Xildhibaanada kasoo jeedaa Deegaanada  Somaliland , waxaana xiliga la dilay xildhibaankan uu kasoo baxay Jaamacada Muqdisho uu dhiganayay.

Xildhibaanka oo dhoor xabo lagu dhuftay ayaa dhaawac halis ah oo soo gaaray waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaas uu ugu dambeyn ku geeriyooday Xildhibaanka iminkana uu meydkiisa halkaasi yaalo. ILAAHAY ha u naxariisto AMIN
xafiiska wararka ee BCN

No comments:

Post a Comment