Social Icons

Sunday, September 22, 2013

madaxwayne ku xigeenka somaliland mudane cabdiraxman cabdilahi ismacil (saylici) oo lagu wado in uu dalka barito dib ugu soo laabto ka dib markii uu xaalad caafimad u tagay dalka imaaraadka carabta


Borama (BCN)Madexweyne Kuxigeenka Somaliland mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil saylici, oo Mudooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta oo u gaadhay halkaasi Xaalad Caafimaad ayaa lagu wadaa in uu barito soo caga dhigto garoonka diyaradaha ee magalada berbera  , madaxwayne xigeenka mudane saylici ayaa hada xaaladiisa caafimaad aad u wacan tahay .

Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar Oo Mar Kale Afka Furtay Kana Hadlay Xidhiidhka Khaatumo State U Gaysay DF Soomaaliya Iyo Arimo Kale :-

Washington-(BCN) Prof. Axmed Ismaciil Samatar ayaa si layaab leh markale badka u soo dhigay guulaha cajiibka ah ee Waddanka Jamhuuriyadda Somaliland ugu guulaysatay dawladnimada, isagoo cadeeyay inay ummadda Somaliland diyaar yihiin inay fahmaan adduunka iyagana la fahmo. Sidaana wuxuu ku sheegay Waraysi lala yeeshay.

War-Deg-Dega:Inaa lilaaah wa inaa ilayhi rajicun ,Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Dawlada Soomaaliya Oo Ka Soo Jeeday Somaliland Oo Dablay Hubaysani Caawa Muqdisho Ku Dileen.

Muqidisho-(BCN) Kooxo Hubeesan ayaa galabta Xaafada Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir waxa ay ku toogteen Xildhibaan katrirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacabaa Xuseen Cabdi Salaan waxa uuna kamid yahay Xildhibaanada kasoo jeedaa Deegaanada  Somaliland , waxaana xiliga la dilay xildhibaankan uu kasoo baxay Jaamacada Muqdisho uu dhiganayay.

Xildhibaanka oo dhoor xabo lagu dhuftay ayaa dhaawac halis ah oo soo gaaray waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaas uu ugu dambeyn ku geeriyooday Xildhibaanka iminkana uu meydkiisa halkaasi yaalo. ILAAHAY ha u naxariisto AMIN
xafiiska wararka ee BCN

Koobkii Ramadaaanka ee casimada boon oo ay ku guulaysteen kooxda u ciyaaraysay BARAKO BUSSINESS CENTER

Koob balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah
dhalinta boon oo mudadii bishii ramadaan oo dhan ka socday
caasimada boon ayaaa ku guulaysteen kooxdii u ciyaraysay
BARAKO BUSINESS CENTER koobkan ayaaa loogu magac daray
mujaahidkii degmada saylac MUJAAHID JIMCAALE , isagoo
koobku si habsami leh u socday mudadii bisha ramadaan
ee barakaysan ayaa ku dhamaaday guusha oo raacday
kooxda barako .

xafiiska wararka ee boon city news

Saturday, September 21, 2013

Masha'alaah Bilicda caasimada boon oo isa sii taraysa :-

waxa mudoyinkii ugu danbeeyay isa soo tarayay dhiska bilicda san
ee laga dhisaayo caasimada boon , guryaha , hutelada iyo meelaha ganacsiga
oo si aan xad lahayn isku soo taraaayay .