Featured Posts
Saturday, August 16, 2014
Saturday, March 1, 2014
Thursday, October 3, 2013
Maxkamadda ICC oo amartay in la soo xiro weriye Kenyan ah
Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee Hague ayaa amar
in lagu soo xiro ah u jartay weriye Kenyan ah oo loo haysto in uu isku
dayay in uu faragalin dacwad ka dhan ah madaxwayne ku xigeenka dalka
William Ruto.
Madaxa dacwad soo oogayaasha maxkamadda ICC
Fatou Bensouda ayaa sheegtay in ay jirto cadayn ay u hayaan in Walter
Barasa uu isku dayay in uu laaluusho marqaatiyaasha si uu uga
dhaadhiciyo in ay joojiyaan marqaati furka.William Ruto ayaa saaray maxkamadda Hague oo loo haysto in uu kiciyay rabshadihii ka dambeeyay doorashooyinkii sanadkii 2007.
Madaxa dacwwad soo oogayaasha ayaa sheegtay in ay jiraan koox dad ah o isku dayay in ay majaxaabiyaan dacwadda ka dhanka ah Mr Ruto.
Mr Barasa ayaa u sheegay BBC in uu diyaar u yahay in uu cadeeyo in uusan dambi lahayn.
xafiiska wararka ee BOON CITY NEWS _(BCN)
Dilal saaka iyo xalay ka kala dhacay Hargeysa
(BCN) Hargaisa :-----laba qof ayaa saaka iyo xalay lagu kala dilay xaafada Jidka Boqol iyo kontonka iyo badhtamaha Suuqa Hargeysa, kuwaas oo midkood dilkiisa loo aanaynayo dhalainyarada xaafadaas, halka ka saaka Suuqa lagu Dilayna la sheegay in Tooray la galiyay.
breaIllaa hada labada Dil ma jirto cid ay Booliisku u qabteen, waxana la sheegay in Gacan ku dhiiglayaashii baxsadeen, isla markaana goor danbe Booliisku baadi doonayaan.
Dilalka iyo Tuugada dadka baadhata ayaa Hargeysa ku soo badanaysa iyadoo habeen iyo Maalinba ay isa soo tarayaan kooxaha falalkaas fulinayaa.Booliiska Somaliland ayaa u muuqda kuwo gabay Hawshii ay hayeen, waxaanay dadweynuhu ku eedaynayaan iska daa waxay qabtaana xataa in aanay tahli karayn iyagoo ku hor taagan in ay kaa ridaan Tuugta ku baadhanaysa.Booliiska oo markooda horeba lagu canaanan jiray in ay Laaluush uun qaataan oo ay dadka ku baadhaan saldhigyada ayaa waxa xaalada uga sii daray markii ay soo baxday cabashadii darajadu taasoo aad moodo Booliisku in aanay markoodana horeba u diyaarsanayn mansabyada ay doonayeen maadaama aanay lahayn Aqoon ciidan-nimo.
xafiiska wararka ee BCN

Sunday, September 22, 2013
madaxwayne ku xigeenka somaliland mudane cabdiraxman cabdilahi ismacil (saylici) oo lagu wado in uu dalka barito dib ugu soo laabto ka dib markii uu xaalad caafimad u tagay dalka imaaraadka carabta
Borama (BCN)Madexweyne Kuxigeenka Somaliland mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil saylici, oo Mudooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta oo u gaadhay halkaasi Xaalad Caafimaad ayaa lagu wadaa in uu barito soo caga dhigto garoonka diyaradaha ee magalada berbera , madaxwayne xigeenka mudane saylici ayaa hada xaaladiisa caafimaad aad u wacan tahay .
Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar Oo Mar Kale Afka Furtay Kana Hadlay Xidhiidhka Khaatumo State U Gaysay DF Soomaaliya Iyo Arimo Kale :-
Washington-(BCN) Prof. Axmed Ismaciil Samatar ayaa si layaab leh markale badka u soo dhigay guulaha cajiibka ah ee Waddanka Jamhuuriyadda Somaliland ugu guulaysatay dawladnimada, isagoo cadeeyay inay ummadda Somaliland diyaar yihiin inay fahmaan adduunka iyagana la fahmo. Sidaana wuxuu ku sheegay Waraysi lala yeeshay.
Subscribe to:
Posts (Atom)